AMISOM oo shaacisay in ay dileen weerar yahano ka tisan Al-shabaab xili ay weerareen Kismaayo

Kismaayo, August 24, 2013 Howgalka AMISOM ee koonfurta Soomaaliya ayaa mar kale war-saxaafadeed ay soo saareen, ?waxay ku shaaciyeen in la dilay xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhigyo ciidan oo ay AMISOM leedahay.

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey warkan, waxaa lagu sheegay warka in ururka Al-shabaab laga dilay 7 ka mid ah dagaal-yahanadooda.

Falkan ayaa dhacay kadib, markii xubnaha ka tirsan ururka ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ay AMISOM ku leeyihiin meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

War-bixinta AMISOM waxaa lagu shaaciyey sidoo kale in la gubay gaadiid ay wateen kooxda, waxaa kaloo jira gaadiid kale oo laga qabsaday oo ay ku jiraan baabuur laga soo xaday dad rayid ah oo jooga gudaha Kismaayo.

AMISOM waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan howgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab, waxaana arrintaani ku soo beegmaysaa xili shalayto war ka soo baxay Al-shabaab lagu sheegay in dileen in ka badan 21 Askari oo ka tirsan AMISOM kadib dagaal ka dhacay shabeelaha Hoose.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *