Al-shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalo dhacay toddobaadkan iyo AMISOM oo iyana war soo saaray

Baraawe, August 23, 2013 – Ururka Al-shabaab ayaa war-bixin ka soo saaray dagaalo bartamihii toddobaadkan dhamaadka ah ay kula galeen AMISOM iyo ciidamada dowladda gobollo ka tirsan dalka Soomaaliya, dagaalkaas ayey sheegeen al-shabaab in ay khasaare ku geysteen.

Afhayeenka dhinaca howgallada kooxda Al-shabaab sheikh Cabdicasii Abu Muscab ayaa sheegay in dagaalada ay la galeen AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka dheceen gobolka shabeelaha Hoose, iyo weerar kale oo ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

? 21 ka mid ah AMISOM iyo ciidanka dowladda ayaan dilnay, dhaawac fara badan waa jira, laakiin intaas waa xogta aan hayno, weerarka aan ku qaadnay garoonka Kismaayo waxaa la oran karaa waxaa ka dhashay khasaare tiro beelay oo aan gaarsiinay AMISOM? ayuu yiri Abu Muscab.

Al-shabaab waxay sheegteen in laga dilay ilaa hal Askari lagana dhaawacay Afar kale oo ka tirsan ciidankooda, siday ku sheegeen war-bixinta ay soo saareen ee ay faah-faahinta kaga bixiyeen dagaal ay la galeen huwanta.

Docda kale howgalka AMISOM ee Kismaayo ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay gubeen Gaadiid ay leeyihiin Al-shabaab, kadib weerar fashilmay oo ?kooxdu ku soo qaaday saldhig ciidan oo ?AMISOM ku leedahay meel ku dhow garoonka Kismaayo.

AMISOM ma aysan soo saarin war-bixin rasmi ah oo ay ku sheegayso khasaaraha ay geysteen iyo midka loo geystey, ilaa haddana ma jiraan warar ka madax banaan labbada dhinac oo xaqiijin kara sida ay wax u dheceen, iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka huwanta iyo Al-shabaab.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com