Koonfur Afrika oo amniga la adkeeyey iyo ajinebi ay Soomaalidu ku jiraan oo il gaar ah lagu eegayo

Durban, October 3, 2013 – Amaanka magaalooyinka waa weyn ee koonfurta Afrika ayaa la adkeeyey, waxaana aad u shaqaynaya ciidamada ammaanka iyo kuwa Sirdoonka, si aysan dalka uga dhicin weeraro Argagixiso oo laga cabsi qabo.

Wakaalada wararka ee AP ayaa shaacisay in ay cabsi wayn ka jirto dalka Koonfurta Afrika tan iyo weerarkii westgate ee Nairobi, kaas oo ay sheegteen ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Wakaalada wararka waxay qoraalkeeda ku sheegtay in cabsida ay qabaan hay?adaha amniga ee koonfur Afrika in ay yihiin kuwa la xiriira khatarta ururka Al-shabaab oo sheegay in ay weeraro ka fulin doonaan meelo ka mid ah Qaarada Afrika

Wasaarada arrimaha gudaha ee koonfurta Afrika ayaa ciidamada amaanka ugu baaqday in ay il gaar ah ku hayaan dadka ajinebiga ah ee ay ku jiraan Soomaalida, kuwaas oo ay sheegtay in ay noqon karaan khatar sidayaal ku sugan gudaha dalka

Booliska aduunka ee Interpol ayaa dhowaan amray in la soo xiro haweenayda Samanta Lethwat taas oo lala xiriirinayo weeraro ay ka mid yihiin kii Westgate ee Nairobi, kaas oo khasaare badan ka dhashay isla markaasna dhaqaale la geliyey intii howl-galku socday.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com