Adeegyada nolosha caadiga ah iyo caafimaadka dadka danyarta ah ee Ceel-berde oo sii xumaanaysa

Ceel-berde, October 3, 2013 – Xaalada nolloleed iyo tan caafimaad ee dadka danyarta ah ee degmada Ceel-berde ee gobolka Bakool ayaa laga dayrinayaa, xili halkaas ay ku sugan yihiin kumanaan qoys oo ka soo cararay abaarihii dalka ka dhacay sanado ka hor.

Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool waxay sheegeen in xaalad daran ay ka jirto degmada isla markaasna baahi wayn ay qabaan dhamaan dadka danyarta ah ee ku jira xeryaha waa way n ee Ceel-barde.

Maxamed Cabdi Tall, gudoomiyaha degmada Ceel-barde waxaa uu sheegay in adeegyada caafimaadka ee xeryaha aysan gebi ahaanba jirin, waxaa uu cadeeyey in dadkaas noloshooda ay ku tiirsanayd gargaarka hay?adaha.

?Hay?adaha gargaarka iyo dowladda federaalka ah intaba waxaan ka codsanaynaa in gargaar iyo deeqo raashin iyo nafaqo ah la soo gaaraan dadka barakagkacayaasha ah ee halkaas jooga? ayuu yiri Maxamed Cabdi.

Degmada Ceel-berde waxay deris la tahay deegaano kale oo ka tirsan dhulka Soomaalida ee Ethopia halkaas oo ay joogaan ciidamada meleteriga ee Ethopia,? ururka Al-shabaab ayaa inta badan ka fog degmada balse xaalad nolloleed ayaa jirta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com