HomeUncategorized

Galguduud oo loo dhisayo guddiga guurtida odoyaasha si loo helo dib-u-heshiisiin iyo nabadayn

Guriceel, October 3, 2013 - Maamulka cusub ee gobolka Galguduud ay u soo magcowday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan waday shirar kala duwan oo ay la qaadanayeen qaybaha bulshada kala gedisan.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Tallman.
Baahin: Salaasa, 24 July 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Xaliimo Sacdiya Cabdilaahi Cali~ Daljir ~ Garowe
Dawladda hoose ee Galkacyo oo wada hawlgallo iskugu jira bannaynta waddooyinka iyo samaynta Boosteejooyin gaadiid oo cusub.

Guriceel, October 3, 2013 – Maamulka cusub ee gobolka Galguduud ay u soo magcowday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan waday shirar kala duwan oo ay la qaadanayeen qaybaha bulshada kala gedisan ee gobolkaas, xili ay gobolka ka jiraan dagaalo beeleedyo.

Gudoomiyaha gobolka Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) oo saxaafada kula hadlay Galguduud ayaa sheegay in maamulku ay ku dadaali doonaan in la dhameeyo khilaafyada beelaha iyo dib-u-heshiisiinta guud si xal nabadeed loo helo.

? Gollaha guurtida Galguduud ayaa hadda dhisaynaa, si mar kasta loogu kulmiyo xaruunta gobolka, waan sharciyeyn doonaa xafiis iyo xaruun la aqoonsan yahayna waan samaynaynaa, si xal deg deg ah loogu helo xiisadaha aloosan ee gobolka? ayuu yiri gudoomiye Cirfo.

Docda kale gudoomiye Cirfo waxaa uu sheegay in baahi wayn oo dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka ah ay ka jiraan guud ahaan gobolka, isagoo ku baaqay in looga baahan yahay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay talaabo qaado si dib-u-dhis loogu helo adeegyada bulshada.

Maamulka dowladda federaalka ah ee Galguduud waxaa ay sheegeen in mar kasta ay diirada ku hayn doonaan in xal loo helo amniga guud oo ku qotoma in la gaaro nabadayn ka dhex-dhacda beelaha gobolka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: