Kismaayo Shan Caruur ah Ayaa Ku Dhintay Dab Qabsaday Hoygoodii (Sawiro)

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegaya in uu dab qabsaday Guri ay kunoolayeen qoys barakacayaal ah xaafada Farjano ee Magaaladda Kismaayo.

5 Caruur ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dabkaas qabsaday hooygooda,iyado la sheegay in waalidinta caruurtaas ay ka maqnayeen hooyga ay ku gubteen caruurtaas.

Masuuliyin katirsan Maamulka Jubbaland oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa booqday goobta dhacdadan naxdinta leh kadhacday.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com