Kooxo Hubaysan oo Dilay Taliyihii Nabadsugida ee Degmada kaxda (dhegayso)

Kooxo Hubaysan oo Dilay Taliyihii  Nabadsugida ee Degmada kaxda (dhegayso)

Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada kaxda kooxo hubaysan waxa ay maanta ku dilay Taliyaha Nabadsugida degmada kaxda oo lagu magacaabijiray Xasan Cabdiraxmaan oo kumagacdheeraa (Buuley),iyado Rag watay gaari ay rasaas ku fureen marxuumka.

Taliyaha Ayaa Wararku sheegayaan in Markii Hore Dhaawac Ahaan loo qaaday Balse Mardambe uu Ku Geeriyooday Cisbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho.

Kooxda Weraarka Geeystay Ayaa Markiiba Goobta kabaxsaday ,waxaana durba Ciidamada Amaanka ay ka sameyeen halku dilka kadhacay howlgal xoogan oo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka geeystay.

Wariyaha Radio Daljir ee Magaaladda Muqdisho Ayaa Cabdulqaadir irshaad ayaa Xasan Heykal uga waramay siday Wax u dhaceen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com