Kalsooni u qaadista RW Cabdiweli Sheikh oo dib loo dhigay ilaa sabtida howlo farsmo dartood

Muqdisho, December 18, 2013 – Baarlamanka federaalka ee Soomaaliya ayaa dib u dhigay qorshihii kalsooni siinta ra?isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed oo dhowaan la magcaabay.

Xoghayaha guud ee baarlamanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) oo xalay saxaafada la hadlay ayaa xaqiijiyey in dib loo dhigay xiligii kalsoonida loo qaadi lahaa ra?isal wasaaraha, taas oo ku beegnayd maanta oo arbaco ah.

Mudane Buux waxaa uu tilmaamay in maalinta sabtida ah codka kalsoonida loo qaadi doono ra?isal wasaaraha xiligaas oo la wada balamiyey xildhibaanada si ay u soo xaadiraan fadhiga.

Ra?isal wasaare Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed oo madaxweyne xasan sheikh magcaabay 12 bishan December, wuxuu bedelaya Cabdi faarax shirdoon Saacid oo ay baarlamanku kalsoonida kala noqdeen horaantii bishan.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com