HomeUncategorized

Diblumaasiyiin ajinebi ah oo boqolaal ku tilmaamay dadka ku dhintay colaada koonfurta Sudan

Jubba, December 18, 2013 - Xaruumaha Qaramada midoobey ee ku yaala duleedka magaalada Jubba ee xaruunta koonfurta Suudaan, weli waxaa ku sii qulqulaya rayid fara badan oo ka cararaya colaada ka aloosan magaalada.

DHEGEYSO-Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Puntland oo lashaaciyey.
Xasan Goodir oo ku Guuleystay Xilka Duqa Caasimada Puntland ee Garoowe
Booliska Garowe oo Shir la Yeeshay Qaybaha Bulshada Gobolka Nugaal

Jubba, December 18, 2013 – Xaruumaha Qaramada midoobey ee ku yaala duleedka magaalada Jubba ee xaruunta koonfurta Suudaan, weli waxaa ku sii qulqulaya rayid fara badan oo ka cararaya colaada ka aloosan magaalada caasimada.

Qaramada midoobey ayaa aamisan in dagaalada ka socda Jubba ay ku dhinteen ku dhowaad 500 oo ruux rayid u badan, sida laga xigtay diblumaasiyiin ka tirsan QM oo xiganaya ilo-xog ogaal ah.

Jubba waxaa weli ka aloosan xiisad u dhexaysa ciidamada dowladda iyo garab kale oo ka soo hor horjeeda, madaxweynaha dalkaas Silver Kir ayaa shaaciyey isniintii la fashiliyey afgembi lala damacsanaa dowladiisa.

Dowladda koonfurta Sudan ayaa horay u shaacisay inay xabsiga dhigtay 10 xubnood oo mucaarad ah uuna ku jiro wasiirkii hore ee dhaqaalaha, sidoo kale waxaa isniintii baxsaday madaxweyne ku xigeenkii hore ee koonfurta Sudan Riek Machar

Jubba waxaa weli saaran bandow habeenkii ah iyadoo ay magaalada gaaf wareegayaan ciidamada meleteriga iyo booliska xukuumada Silver Kir, Soomaalida joogta Jubba ayaa weli ku jira guryahooda iyadoo aan la isku halayn karin banaanka sidoo kale ganacsigoodii ayaa weli xiran

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: