HomeUncategorized

Denmark oo Soomaaliya ka taageeraysa howlaha dib-u-dhiska, amniga iyo waxbarashada

Muqdisho, December 18, 2013 - Horumarinta xiriirka diblumaasiyadeed ee dalalka denmarka iyo Soomaaliya ayaa sii xoogaystay, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shir dhexmaray madaxweynaha.

Cidii Jabisa Heshiiskii Muqdisho lagu Gaaray oo loo Digay
(DHAGEYSO) Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka hadlay Arrimo badan
Gudoomiye Salaad oo dadka Galkacayo ugu baaqay in la hubiyo nadaafada xiligan roobabka (Dhegeysi)

Muqdisho, December 18, 2013 – Horumarinta xiriirka diblumaasiyadeed ee dalalka denmarka iyo Soomaaliya ayaa sii xoogaystay, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shir dhexmaray madaxweynaha dalka iyo safiirka cusub ee Denmark u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan sheikh waxaa uu kulanka ka sheegay inay doonayaan adkaynta xiriirkooda iyo kan Denmark oo ku jirta deeq bixiyaasha taageera Soomaaliya.

Amb. Geert Aagaard? Andersen danjiraha Denmark ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa ay taageerayso dadaalada dowladda Soomaaliya ?iyo qorshaha siyaasadeed ee uu damacsan yahay madaxweyne xasan sheikh Maxamuud

Denmark waxay Soomaaliya ka caawin doontaa dhinacyada amniga, dib-u-dhiska iyo waxbarashada, sida uu sheegay danjire Amb. Geert Aagaard Andersen.

Wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya ayaa si heer sare ah u soo dhowaysay taageerada faraha badan ee denmarka la garab taagan tahay Soomaaliya iyo weliba xiriirka labbada dal oo haatan awood balaaran yeeshay.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: