HomeUncategorized

Isku-aadka wareega 3-aad ee barnaamijka Tartan & Tacliin oo caawa la iclaamiyey.

Buuhoodle, Aug 30 - Waxaa habeenimadii xalay dhamaaday wareegii 2-aad ee barnaamijka Tartan & Tacliin kaasoo ay ku tartameen 12 dugsi sare oo ahaa is

Ra’iisul wasaare Khayre oo ka hadlay Soomaalidii lagu xansuuqay Yemen.
DHEGEYSO-Jubbaland oo sheegtay in Alshabab 400 oo neef dishey.
Madaxweynaha Soomaaliya oo aan weli ka hadlin shacabka Kenya ku laynayso gobolka Gedo.

Buuhoodle, Aug 30 – Waxaa habeenimadii xalay dhamaaday wareegii 2-aad ee barnaamijka Tartan & Tacliin kaasoo ay ku tartameen 12 dugsi sare oo ahaa iskuulaadkii ku soo baxay wareegii 1-aad.

Wareega 2-aad ayaa waxaa soo xidhay labada dugsi sare ee Nugaal, Garoowe & Nawaawi, Qardho halkaasi oo uu ka soo baxay Dugsiga Nugaal, Garoowe.

Wareega 3-aad oo bilaabanaya 22-ka bisha Ramdaan oo ku beegan 31-ka Ogosto ayaa waxaa isugu soo hadhay Iskuuladda kala ah Hawd (Buuhoodle), Gambool (Garoowe), Al-waaxa (Garoowe), Sh. Cismaan (Qardho), Nawaawi (Boosaaso), iyo Nugaal (Garoowe).

Gudiga barnaamijka garsoora, soona diyaariya su?aalaha ayaa waxay caawa ku dhawaaqeen Isku aadka Iskuuladda ee barnaamijka; Isku aadka iskuulaadka ee wareega 3-aad ayaa u dhigan sidan:

1. Nawaawi, Boosaaso & Hawd, Buuhoodle – 31-ka Ogoosto,
2. Gambool, Garoowe & Nugaal, Garooowe – 1-da Sebtembar,
3. Sh. Cismaan, Qardho & Al-waaxa, Garoowe (Iskuulka haya koobka Tartan & Tacliin) – 2-da Sebtembar.

Waxaana habeen dambe daahfuraya Wareega 3-aad labada dugsi sare ee Nawaawi, Boosaaso & Hawd, Buuhoodle.

Si kastaba ha ahaatee, barnaamijka ayaa galay wareegii ugu xiisaha badnaa intii uu socdey; habeen dambe tartan aad u xiisabadan ayaa jira, kaa soo dhex mari doona iskuulka Hawd, Buuhoodle & Nawaawi, Boosaaso.

Khadar Cawl Ismaaciil,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: