HomeUncategorized

Weriye C/llaahi Cumar Geeddi oo caawa lagu diley magaalada Galkacyo.

Galkacyo, Aug 31 - Alle ha u naxariistee waxaa fiidnimadii caawa lagu diley magaalada Galkacyo weriye C/llaahi Cumar Geeddi oo ka mid ahaa suxufiyiin

Maalinta dhalinyarada aduunka oo laga xusay Garoowe iyo Tahriibta ba?an oo laga digay (Dhegeyso)
(DHAGEYSO) Dadka deegaanka Suuj oo cabanaya
Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda maamulada Dalka oo Heshiis wada Gaaray [DHAGAYSO]

Galkacyo, Aug 31 – Alle ha u naxariistee waxaa fiidnimadii caawa lagu diley magaalada Galkacyo weriye C/llaahi Cumar Geeddi oo ka mid ahaa suxufiyiinta iyo farsamo-yaqaanada idaacadda Daljir, xarunta ay ku leedahay magaaladda Galkacyo.

Weriye C/llahi ayaa waxaa dilka u geystey koox ku hubaysan toorayo; marxuumka ayaa u dhintay dhiigbax dhaawacyadii toorayaha ee soo gaaray.

Lama oga cidda ay ahaayeen gacan-ku-dhiiglayaasha gaystay fal dambiyeedka.

Lama oga waxa uu eersaday marxuumku ee sababay dilkiisa aan ka ahayn mihnadiisa shaqo.

Weriye C/llahi ayaa maydkiisa la geeyey cisbitaalka guud ee magaaladda Galkacyo.

Dhamaan bahweynta idaacada Daljir waxaa ay tacsi u dirayaan ehelada iyo asxaabta marxuum C/llaahi Cumar Geeddi, una rajaynayaan sabri; waxaana ay Eebe uga baryayaan marxuumka naxariis.

Innaa Lillaahi Waa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: