HomeUncategorized

Howlgalo amniga lagu sugayo oo ka socda Kismaayo xili ay dilal qorshan xalay ka dheceen magaalada

Kismaayo, decemerb 15, 2013 - Magaalada Kismaayo ee xaruunta Jubbada hoose waxaa xalay ka dhacay dilal qorshaysan oo lala eegtay dad u badan rayid, waxaana haatan ka socda baaritaano.

Al-nuur Baran oo ku guulaystay tartankii ka socday Daljir, iyo xafladii gabagabada oo ka dhacday Boossaaso.
DHEGEYSO-Barnaamijkii kulanka haweenka iyo Khadra Axmed.
Galkacyo: Madaafiic laga soo ridey Galmudug oo lagu garaacay Xaafaadaha Garsoor iyo Israac (Dhegayso)

Kismaayo, decemerb 15, 2013 – Magaalada Kismaayo ee xaruunta Jubbada hoose waxaa xalay ka dhacay dilal qorshaysan oo lala eegtay dad u badan rayid, waxaana haatan ka socda baaritaano.

Goor fiidkii xalay ah ayaa maydka qof rayid ah laga helay xeebta magaalada, halkaas oo lagu dilay isla markaasna looga tegay meydkiisa.

Waxaa la xaqiijiyey qofka meydkiisa la helay inuu ka shaqayn jiray samaynta baabuurta, isla markaasna laga soo ka xaystay halka uu ka shaqayn jiray.

Sidoo kale waxaa qof rayid ah xalay lagu dilay isla Kismaayo, rag hubaysan oo dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka carareen.

Howl-galo amniga lagu xaqiijinayo ayaa ilaa haatan ka socda magaalada xeebta ah ee Kismaayo, waxaana la soo sheegayaa in ciidamo dheeraad ah oo suga amniga la soo geliyey magaalada.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: