Booliska Kenya oo bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyey weerarkii xalay

Nairobi, December 15, 2013 – Howlgalo amniga lagu sugayo isla markaasna lagu baadi goobayo dadkii qarxiyey baabuur kuwa dadweynaha oo mareyey Nairobi ayaa maanta ka socda qaybo ka mid ah xaafada ay Soomaalidu degto ee Islii.

Booliska ayaa xaqiijiyey geerida 4 ruux iyo dhaawaca 36 ruux oo la dhigay cisbitalada kala duwan oo ku yaala caasimada Kenya.

Taliska booliska ee Nairobi Col. Benson Kibu oo shir jaraa?id ku qabtay Nairobi, waxaa uu sheegay in ay wadaan baaritaanada si loo helo cadaymo dhab ah oo muujinaya cida ka dambsaysay weerarka dhacay.

Soomaalida ayaa cabsi wayn? qaba maanta, sida aan wararka ku helayno

Qaraxa oo xalay ka dhacay Nairobi ayaa lala eegtay bas kuwa dadweynaha oo mareyey meel ku dhow saldhiga booliska ee Pangani oo ku yaala degmada Kamakunji ee ay ku jirto xaafada Islii, lama oga ilaa hadda cida weerarka geysatay

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com