Prof. Gaas ?RW cusub waxaa hortaala howl adag waase nin leh aqoon iyo khibrad ku filan? (Dhegeysi)

Garoowe, December 14, 2013 – Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si wayn uga hadlay magcaabista ra?isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed, kaas oo loo dhiibay jagada ra?isal wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

?Dr. Cabdiweli waa nin leh khibrad dheer iyo aqoon ku filan, waana nin ka soo shaqeeyey meelo badan oo muhiim ah. Aqoon fiican ayaan u leeyahay anigu? Ayuu yiri Prof. Cabdiweli Maxamed Cali oo u waramay radio daljir

Ra?isal wasaarihii hore ee dalka Prof. Gaas oo haatan ah musharax u tartamaya madaxweynenimada Puntland ayaa wax laga weydiiyey hanaanka siyaasadeed ee Dr. Cabdiweli ra?isal wasaaraha cusub ee dalka.

?Xafiis siyaasadeed horay ugama shaqayn marka laga yimaado inuu ahaa keliya shaqaale dowladeed, marka ma ogi siyaasada uu aamisan yahay isagu, balse waa nin karti leh oo wax badan qaban kara.? Ayuu yiri .

Prof. Gaas ayaa sheegay ra?isal wasaaraha cusub iyo madaxweynaha ay muhiim tahay inay is fahmaan si wax badan loo qabto. ?waa mid iyaga u taala inay is fahmaan, hadii la is fahmana ma dhacayso in khilaafku bato ama soo shaac boxo.?

Ra?isal wasaarihii hore ee dalka Prof. Gaas ayaa ugu dambayntii Soomaaliya u rajeeyey nabad iyo xasilooni, sidoo kale waxaa uu Ra?isal wasaaraha cusub Alle uga baryey inuu la garab galo howsha cusub ee hortaala.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Dhegeyso: -? Faadumo Taxadar oo daljir ka tisan ayaa waraystay Musharax Prof. Cabdiweli Gaas

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com