Guddiga Insaanka Baarlamanka oo dalbaday in wax laga qabto xuquuqda dumarka ee shaqooyinka dalka

Muqdisho, July 22- 2013 – Guddiga xaquuqda Insaanka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in aan weli la muujin doorkii haweenka, kaas oo ay ku lahaayeen xuquuqda siyaasadeed iyo mida bulsho ee gudaha dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xubnaha guddigaas ku jira ee gabdhaha ayaa sheegay in ay jiraan xuquuq badan oo dumarku ku lahaa doorka dalka oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo muujin, waxay wax wanaagsan ku tilmaamen in la helay xubnihii la rabay ee dumar ah ee ku jira Baarlamanka.

Gudoomiyaha guddiga xuquuqda Insaanka ee Baarlamanka Soomaaliiya Khadiijo Maxamed Diiriye, isla markaasna la hadashay war-baahinta gudaha waxay sheegtay in jiraan dumar badan oo ka baxay jaamacadaha dalka, kuwaasi oo aan helin shaqooyinka dalka ka jira, taasi oo ay ku tilmaantay duudsi.

? Haweenka oo aan si siman looga qeyb gelin shaqooyinka dalka waxay la micno tahay in meel looga dhacay xuquuqdooda, oo la duudsiyey waa mid u baahan in la muujiyo isla markaasna wax laga qabto? ayey tiri Marwo Khadiijo.

Baarlamanka Soomaaliya iyo weliba golaha wasiirada ee dalka ayaa haweenku waxay ku yeesheen door weyn dhamaadkii sanadkii hore, waxaase haatan guddiga xuquuqda Insaanka ee Baarlamaanka ay sheegeen in aan weli la gaarin halkii caadiga ahayd.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com