Gen. Saacid ?Falalka amni daro ee Xamar waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin dano gaar ah leh? (Dhegeyso)

Muqdisho, Aug? 4, 2013 – Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wadda howlo baaritaano ah, kuwaas ?oo lagu soo qab-qabtay dad kala gedisan oo lala xiriirinayo in ay ka dambeeyeen falalka amni daro ee caasimada ka dhaca, iyo weliba aaladaha qarxa oo gacanta lagu soo dhigay.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa?id oo ay ku qabteen Muqdisho waxay ku sheegeen naatiijada ka soo baxday howgallada ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

? Howl-galo amni sugid ah ayaa boolisku ka waddaan Xamar iyo meelo ka mid ah dalka, taas waxay dhiiri-gelinaysaa Soomaalida gudaha joogta iyo kuwa debbeda intaba, maalin kasta dalka waxaa yimaada dad Soomaali ah oo u soo hiloobay dalkooda, balse weli caqabado ayaa jira ay siyaasiyiintu ka mid yihiin? ayuu yiri Gen. Saacid.

Afhayeenka booliska Soomaaliyeed ayaa sharaxaad kooban ka bixiyey weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo kuwii fashilmay ilaa bishii hore ee ay geysteen Al-shabaab, sidoo kale wuxuu guul iyo shaqo wanaagsan ku tilmaamay talaabooyinka ay qaadeen ciidanka booliska.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Gen. Saacid oo shirka jraa?id hadal ka jeediyey ayaa sheegay in sanadkaan iyo sanadkii hore uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya dhanka amniga Muqdisho isagoo arintaasi ka hadlay ayuu yiri ? Hal fal oo sanadkii hore dhacay ayaa ka dhibaato badan waxa sanadkan oo dhan dhacay, tusaale weerarkii Hargaha iyo saamaha tii Tiyaatarka iyo arrimo kale ayaa sanadkii hore dhacay?.

Docda kale Gen. Saacid isagoo isla amaanka Muqdisho ka hadlaya ayuu wuxuu si kulul u canbaareeyey qaar ka mid ah siyaasiyiinta Muqdidsho jooga, oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo qeyb ka ah falalka amni daro ee dalka ka jira wakhtigan.

? Siyaasiyiintu Amni xumo ayey ka hadlaan oo waxay sheegaan in amni xumo jirto, taasi oo hami jab ku ah Soomaalida debeda iyo kuwa gudaha, waa kuwo siyaasiyiin ah oo ku gabbanaya mansab khaas ahaaneed, isagoo leh dano gaar ah? ayuu yiri Gen. Saacid oo eedeyey siyaasiyiinta qaarkood.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Halkan ka Dhegeyso hadalka Taliyaha booliska Gen. Saaacid

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com