Madax ka shirtay Amniga iyo Ra?isal wasaaraha oo xalayto kormeeay jidadka Muqdisho (Dhegeyso)

Muqdisho, Aug ?4, 2013 – Ra?isal wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Cabdi Faarax ?Shirdoon (Saacid) ayaa xalayto u kuur galay xaaladaha amniga ee magaalada Muqdisho, isagoo Kormeer ku tegey jidadka waa weyn ee muhiimka ah ee ku yaala gudaha caasimada.

Kormeerka Ra?isal wasaaraha dalka ayaa ahaa mid ku salaysan u kuur gelida amniga guud ee caasimada iyo dhaq dhaqaaqa jira, xili ay qaraxyo iyo weeraro kala duwan ka dheceen caasimada toddobaadyadii ina dhaafay.

Madax isugu jirta wasiiro, saraakiil ciidan, iyo? maamulka gobolka Banaadir ayaa indha indhaynta ra?isal wasaaraha ku wehliyey, waxaana uu ra?isal wasaaruhu ?kormeerka bilaabay saqdii dhexe ee xalayto wakhtigaasi oo uu u soo dhamaaday shir dhinaca amniga ah oo uu la yeeshay madaxda la socotay.

Meelaha muhiimka ah ee ra?isal wasaaruhu xalayto tegey waxaa ka mid ah Isgoys-yada? Beexaani, Sanca, Fagax, iyo waddada dheer ee Soddonka, halkaas waxay masuuliyiinta dowladda kula kulmeen dhalinyaro wakhtigaasi ciyaaraysay oo ay ka waraysteen xaalada guud iyo amniga jira.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Dhegeyso war-bixin uu weriyeheena Muqdisho ?Suldaan Maxamed Cali ka diyaariyey.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com