Gabar Somaliyeed oo lagu Weraaray Dalka Canada Sabab ?

HomeWararka

Gabar Somaliyeed oo lagu Weraaray Dalka Canada Sabab ?

Gabar Soomaali ah ayaa lagu weeraray Magaalada Edmonton ee Dalka Canada kaddib markii tobaadkan Nin Soomaali ah uu dhaawacay shan Qof isaga oo gaari j

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho soo gaaray rajo wanaagsana ka muujiyay shirka Amniga Qaranka ee ka dhacaya Muqdisho
Warka Caweysin iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Howlgalka la dagaalanka maandooriyaha iyo anshax xumada oo si xoogan uga socda Muqdisho.

Gabar Soomaali ah ayaa lagu weeraray Magaalada Edmonton ee Dalka Canada kaddib markii tobaadkan Nin Soomaali ah uu dhaawacay shan Qof isaga oo gaari jiirsiiyay.

Nuurto C/Raxmaan oo wadatay Gaari ayaa waxaa istaajiyay Nin caddaan ah,waxaana uu u geystay Aflagaaddo iyo isaga oo ku yiri “waxaad tahay Argagixiso waana in aad u laabataa dalkaagii”.

Booliska Edmonton ayaa sheegay in Cabdullahi Xasan Shariif oo 30 Jir ah uu Gaari dardarsiiyay koox dad ah islamarkaana shan qof dhaawac u geystay.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Shariif Gaariga uu watay laga helay Calanka Ururka Daacish ee Ciraaq iyo Syria ka dagaallama.

Urur u dooda xuquuqda aadanaha oo ka dhisan Edmonton ay soo gaartay 2 farriin oo Cabasho ah kana timid Haween Muslim ah oo ka cabanaya Ragga aan Muslimka ahayn ee Canada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: