Faragalinta Ciidamadda Shisheeye Ay ku Hayaan Somaaliya oo Laga Hadlay

Kulan ay Madaxda Dowladaha Ciidamada ka Joogaan Soomaaliya ku yeesheen New York 21kii September 2017 iyagoo ka wada qeybgalayey Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa shir-guddoominayay Yoweri Kaguta Museveni,Madaxweynaha Uganda, waxaana ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Ra’iisul Wasaaradaha Dowlada Federaalka SoomaaliyaMudane Hassan Ali Khayre, Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Amina Mohamed, Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti Mohamed Ali Youssef, Wasiirka Arrimaha Dibedda Burundi Alain- Aime Nyamitwe, iyo Madaxa Guddiga Amniga Midowga Afrika Smail Chergui.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha siyaasada, amniga iyo caqabadaha heysta AMISOM Kulanka ayaa la isku raacay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidi somaaliya looga caawin lahaa markasta inay cageheeda ku istaagto.

Kulankan ayaa waxaa loogu baaqay wadamada qaarkood inay joojiyaan faragelinta qaawan oo ay ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa loo xilsaaray inuu welwelkan gaarsiiyo beesha caalamka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com