Ehellusuna Oo degniin u jeediyey ganacsatada cuntada ee Gedo iyo ciidamo howgal bilaabay

Baardheere, July 23, ?2013 – Ganacsatada iyo mulkiilayaasha goobaha lagu cunteeyo ee gobolka Gedo ee koonfurta galbeed ee dalka ayaa loo jeediyey degniin culus, taas oo la xiriira iibinta raashinka bisil iyo adeegyada kale ee nolosha wakhtiga maalintii ah.

Maamulka ehellusuna oo gacanta ku haya meelo ka mid ah gobolkaasi ayaa degniintaas jeediyey iyagoo sheegay in ay qaadi doonaan talaabo munaasib ah, hadii aan si dhaqso ah wax looga bedelin qorshaha ay ku dhaqaaqeen qaar ka mid ah ganacsatada makhayaadaha ee gobolka Gedo.

Afhayeenka ehellusuna Sheikh Maxamed Xuseen Al-qaadi oo warbaahinta la hadlay ayaa daaha ka qaadya in ay jiraan qaar ka mid ah deeganada gobolkaas oo lagu kariyo cunto wakhtiga maalintii ah, wuxuu sheegay in uusan maamulkoodu ogolaan doonin in la furo goobaha cunta inta lagu jiro bisha Rammadaan.

Maamulka Ehellusuna waxay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo ka shaqeyn doona howlaha noocaas ah, sheikh Al-qaadi oo arintaas ka hadlay ayaa sheegay in ciidankoodu uu talaabo ka qaadi doono cid kasta furata goobaha cuntada lagu iibiyo iyo dadka ma soomayaasha ah.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com