Barnaamijka Tartan iyo Tacliin Dugsiyada sare ee C/laahi Ibraahim iyo Dangoroyo oo xalay guulaystay

Bosaaso, July 23 – Afar dugsi oo ka mid ah dugsiyada sare deegaanada? Puntland ee ka qaybgalaya barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa xalay ku tartamay labada qayb ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo wali lagu tartamayo wareega koowaad.

Tartanka ayaa waxaa qaybtiisii koowaad? ku tartamay dugsiga C/laahi Ibraahim oo ka dhisan degmada Ufayn iyo Mumtada Qardho, tartan xiiso badan ayay labada dugsi kusoo bandhigeen barnaamijka oo laga dheehanayay dadaal labada dugsi, gabagabadii tartanka ayaa 11 dhibic iyo sideed dhibcood guusha ay ugu raacday dugsiga C/laahi Ibraahim oo ka guulaystay dugsiga la tartamayay ee Mumtada Qardho.

Dugsiyada Dangoroyo iyo Cumar Binu Cabdulcasiis ayaa ku tartamayay qaybtii kale ee barnaamijka.

Natiijada ayaa kusoo dhamaaday dugsiga Dangoroyo oo helay 12-dhibic iyo Cumar Binucabdulcasiis Bosaaso oo helay 10 dhibic, sidaasi darteed gudiga ayaa sheegay dugsiga Dangoroyo inuu ka guulaystay dugsiga Cumar Binucabdicasiis Bosaaso.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo uu baahiyo Radio Daljir ayaa waxaa maalgalinaya shirkadda Golis Telcom, Salaam Bank iyo wasaaradda waxbarshada Puntland, waxaana ka qaybgalaya inka badan 20- dugsi oo ku kala yaala gobolada Puntland.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaaso.

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com