Dablay hubaysan Oo caawa xaafada Garsoor ee Galkacayo ku dilay sarkaal ka tirsan Hay?ada PDRC

Galkacayo, July 23, 2013 – Xisaabiyihii hay?ada PDRC faraceeda magaalada Galkacayo Cabdinaasir Maxamed Cilmi, ayaa goor dhowayd oo caawa fiidkii ah waxaa lagu dilay xaafada Garsoor ee magaalada Galkacayo.

Dilka masuulkaan ayaa sida la sheegay waxaa gaystay dhawr nin oo bastoolado ku hubaysan, kuwaasi oo isla markiiba goobta ka baxsaday.

Saraakiisha caafimaadka gobolka ayaa Radio Daljir u xaqiijiyey geeridiisa, ma jirto cid loo qabtay falkaas caawa ka dhacay magaalada Galkacayo ee xaruunta gobolka Mudug.

Waa masuulkii saddexaad ee lagu dilo magaalada Galkacayo muddo bil iyo bar gudahood ah, waxaana dilkii kan ka horeeyey uu dhacay dhowr habeen ka hor, waana sarkaalkii labbaad ee Galkacayo looga dilo hay?ada PDRC.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com