Dowladda Puntland oo si Maqaam sare leh u xustay 1-da Luuliyo

Arbaco, July 01, 2015 (Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa caawa aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga qeyb-galay munaasibad balaaran oo lagu xusayey koowda luulyo oo ku beegan maalintii xoriyadda umadda Soomaaliyeed ka qaateen gumaystaha iyo midowgii labada Gobol.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, saraakiisha sare ee caiidamada Puntland, Isimo, Waxgarad, Aqoonyahan, Haween, Dhalinyaro, dadweyne badan kuwaasi oo diyaar u ahaa ka qeyb-galka munaasibadaan balaaran.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha ayaa umahadceliyey dhammaan ka soo qeyb-galaayasha xafladda , isagoona sanadkaan sanadkiisa kale alle uga baryey in nabad iyo barwaaqo umadda Soomaaliyeed ku gaaraan .

\’\’ Konton iyo shansano kadib waxaa inoo soo baxaya runtii in xornimadeeni gaasir noqotay, in gobanimadeeni ay kala dhantaalantahay , konton iyo shansano kabacdi soomaaliya ay daydayayso inay dib isugu soo laabato\’\’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maanta ay Puntland tahay dhul nabad ah oo qofkasta oo Puntland jooga uu ku seexdo nabad kuna soo tooso, waxaana uu sigaar ah ugu mahadceliyey ciidanka amaanka Puntland oo har iyo habeen u taagan ka shaqeynta amaanka Puntland.

\’\’ Puntland cidna gorgortan kala gelimayso amnigeeda ama ha ahaato cadow gude ama mid dibadeedba , magan ugama aha Puntland amnigeeda Shabaab iyo sharwadayaal , magan ugama ma ahan maamul gacan ku rimis ah oo dawladda federaalka ahi  ay malxal u raadinayso intaba Puntland way isaga filantahay \’\’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

\’\’ Puntland marna u dulqaadan mayso in si horumarkeeda loo wiiqo oo loo dhaawaco in manigeeda khalkhal lageliyo , sababtoo ah ujeedada Puntland amnigeeda loo farafaray naayaa waxaa weeye in horumarka iyo yididiilada iyo himilada aanu leenahay hadaanu reer Puntland nahay in la waxyeeleeyo taasna ma aqbalayno \’\’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynuhu.

\’\’ Dadka Puntland meelkasta oo ay joogaan waxay kalsooni buuxda ku qabaan in ay leeyihiin ciidan difaaceeda ku filan ama hanoqdo cadow dibadeed ama cadow doqon ah oo wax magarato ah oo gudaheeda jooga labadaba Puntland waa ay isaga filantahay\’\’

\’\’ Puntland nin jecel iyo nin neceba waa furihii Nabadda Soomaaliya , Puntland waa buundadii midnimada Soomaaliya , Soomaaliya waxaa isu haya waa Puntland , Puntland haday ka baxdana wax hagaagaya majirto, Puntland waa hooyadii iyo aabihii dawladda federaalka Sooomaaliya , saa daraadeed cidna ka aqbali mayso in wanaagi ay ka shaqeynaysay xumaan loogu badalo \’\’

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka cadaado ka socda uusan aheyn mid maamul federaal ah lagu dhisayo , balse waxaa uu tilmaamay in uu yahay shirqool xamar  laga soo maleegay oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo maamul nabad ah oo jira.

\’\’ Waxaan idiin sheegayaa in Puntland ay ka horaysay Federaalka , Puntland uma baahna in federaal aqoonsado , jawaari baan waxaan ka maqlayey isagoo leh maamulada aanan aqoonsaneyn marka jawaari cid maanta uga baahan in uu aqoonsado majirto \’\’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynuhu.

Shirka ka soconaya Cadaado ayuu Madaxweyne Gaas sheegay in masuuliyad daradiisa ay dusha u ridan doonto dawladda federaalka Soomaaliya , maadama ay iyadu garwadeen ka tahay shirkaasi .

\’\’ Waxay lahaayeen xuduudayadu waa Nugaal sida ay ku qorteen dastuur ku sheegooda \’\’ aalatahay , sayid maxamed cabdulle xasan baa waxaa laga sheegay ninka yiri waxbaan gani anoo gol iyo ceyn jooga ee yiri badii garacad baan gudub u weydaaran godka lagu cadaabyow muxuu go\’uhu been sheegay \’\’

\’\’ Waxaa hubaal ah marka ay runtu takto xuduudu aysan Nugaal noqoneyn , xuduudu waxaa ay noqonaysaa Godinlabe iyo Guriceel , waxaan u sheegaynaa dawladda federaalka ah hadii ay ka waantoobi weydo dhagarta iyo shidada ay Soomaali kula dhexjirto oo maalin walba Gobol nabad ah dhib la doonayso in Puntland dastuurkeedu qodobkeeda afaraad uu u ogolyahay in masiirkeeda iyo aayaheeda ka tashato\’\’

\’\’ Wax masuuliyad oo gaar ah oo Puntland ka saaran majirto Soomaalinimo xamar iyo cadaado midna laga rabin , Soomaalinimo hadii ay nacfi iyo dhaqaale lahayd xamar baa qaadatay marka ninkii dheefteeda haystay haduu dhimashadeeda ka shaqeeyo isaga ayaa ku dharag la\’a uguna baahi badan \’\’

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in hadii inta xun ee yar ee ku ciyaaraysa magaca Soomaalinimada la xakameyn inay ka lifikarto in lakala tago oo Soomaaliya kala irdhoowdo .

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com