HomeUncategorized

Muqdisho oo laga xusay 1-da Luuliyo

Arbaco, July 01, 2015 (Daljir)_Munaasibad si ballaaran loosoo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo lagu xusayo markii ay gobaladda Koonfurta Soomaaliya xorriyadda ka qaateen gumaystihii Talyaaniga iyo Israaca Koonfur iyo Waqooyiga Soomaaliya.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Khadar Cawl.
QM oo sheegtay in 2.34 milyan oo Soomaali ah ay wali u baahan-yihiin gar-gaar bini?aadatinimo oo dag-dag ah.
Prof. Jawaari ? Baarlamanku wuxuu hig-sanayaa in la gaaro doorasho xor ah oo dalka ka dhacda?

Arbaco, July 01, 2015 (Daljir)_Munaasibad si ballaaran loosoo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo lagu xusayo markii ay gobaladda Koonfurta Soomaaliya xorriyadda ka qaateen gumaystihii Talyaaniga iyo Israaca Koonfur iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Munaasibaddan waxaa goob-joog ahaa madaxwaynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Sharmarke, wasiirro,xildhibaano, siyaasiyiin, ragg iyo hawen, dhalinyaro iyo dadwayne kale.

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo khudbado kala duwan xaflada kasoo jeediyay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray iyo waliba heerka maanta la joogo, sidoo kale waxaa laga soo jeediyay gabayo iyo heeso ka hadlaya nabadda iyo xorrimadda dhibaataddii laga soo maray.

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Ummadda Soomaaliyed ee key nool guud ahaan dalka iyo dibadiisa in sanadkan kan xiga ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: