
Axad, Ogoosto 09, 2015 (Daljir) — Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa shalay ka bilowday wajigii labaad ee barnaamijka horumarinta iyo wacyigelinta dhalinyarada Puntland oo ay wadaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, ciyaartoy hore iyo qaar kamid ah muwaadiniinta Puntland.
Xubnahaan ayaa waxaa hogaaminaya gudoomiyaha xiriirka kubadda kolayga Puntland Maxamed Burci iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey waxaana weheliya Macalin john iyo Bashiir Gurey oo dalka England kayimid.
Waftigaan ballaaran ayaa waxaa magaalada Badhan kusoo dhoweeyey gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyiin, Maamulka degmada Badhan, qaybaha bulshada magaalada Badhan iyo dhalinyarada qaybeheeda kala duwan.
FAALLOOYIN & FALCELIN