Dowladaha Uganda iyo Kenya oo ka shiraya Arimaha Soomaaliya

Axad, Ogoosto 09, 2015 (Daljir) — Madaxweynayayaasha dalalka Uganda iyo Kenya. Yoweeri Museveni iyo Uhuru Kenyatta ayaa laa filayaa inay maanta kulan ku yeeshaan Aqalka Dowladda ee magaalladda Kampala.

Kulankaasi ayaa la filayaa inay kaga wada xaajoodaan xiriirka labada dal, Maalgashiga  Dhismaha dhuun shidaalka ka soo qaada Laamu Kenyaa oo soo gaarsiisa Degmadda Hoyma ee dalka Uganda.

Museveni iyo Uhuru waxay kaloo ka wada hadli doonaan Hawlgalka AMISOM, La-dagaalanka Alshabaab iyo Is-dhaafsiga Sirdoonka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo shalay booqashosaddex maalmood ku tagay Uganda ayaa sheegay inay labadadowlad xoog leeyihiin, isla markana si wadajir u wada shaqeyn doonaan.

Waxa uu tilmaamay inaysan Kenya nabad noqon kaarin inta ay dalalka deriska dagaallo ka socdaan, wuxuun asheegay inay ka go’an tahay in laga shaqeeyo sidii Somala iyo South Sudan looga dhigi lahaa Dalal ay ka jiraan nabad buuxda.

Dhinaca kale, Madaxweynayayaasha dalalka Uganda iyo Kenya. Yoweeri Museveni iyo Uhuru Kenyatta iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn waxay berri oo Isniin ah yeelan doonaan Kulan Saddex Geesood ah oo looga hadlayo xaalladaha Somalia iyo Sudan.

Hoggaamiyayaashaasi oo ka mid ah Madaxda  Dowladaha ku bahoobay Urur-gobaaleedka IGAD ayaa waxay diiradda ku saari doonaan Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo xoojin lahaa Hawlgaalka La-dagaalanka Alshabaab.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0