Maamulka cusub ee Gobolka Gedo oo dhawaan xilka la wareegaya

Axad, Ogoosto 09, 2015 (Daljir) —Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa maanta xilka gudoomiyaha Gobolka Gedo ku wareejin doona duqii hore ee degmada Luuq Axmed Buule Maxamed (Canjeex), kaasi oo uu gudoomiyaha gobolka u magacaabay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qaybgeli doona Saraakiil ciidan iyo madax tirro badan Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed Waxaa hor yaal shaqooyin badan oo ay kamid yihiin xoreynta deeganada maqan ee ku jira gacanta nabad diidka.

Xil wareejintaan ayaa meesha ka saari doonta warar been abuur ah oo ay daabeceen qaar kamid mareegaha internetka ee Soomaalida oo sheegay in gudoomiye Kaliil kasoo horjeestey xil ka qaadista uu sameeyey madaxweynaha Jubbaland.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com