Dowladaha Carabta oo Soo dhaweeyay doorashadii Madaxweyne Al-bashiir

Talaado, Abriil 28, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ku guuleystay doorashada madaxnimo ee waddankiisa dhawaan ka dhacday, iyadoo guddiga doorashooyinka Suudaan ayaa shalay oo isniin ahayd wax ay shaaciyeen in Al-bashiir uu helay 94.5% codadkii doorashooyinka.

“Tirada codadkii uu madaxweyne Cumar Al-bashiir ka helay waa – 5,252,478 oo la micno ah 94.5%,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka Suudaan, Mokhtar al-Asam oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan.

Dadweynihii ku sugnaa goobtii looga dhawaaqay natiijada oo taageerayaasha madaxweyne Cumar Al-bashiir u badnaa ayaa mar keliya ku dhawaaqay takbiirta ‘Allaahu Akbar’ oo la micno ah ALLAA weyn.

Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ayaa waxay amar ku bixisay in lasoo xiro madaxweynaha Sudan Al-bashiir, iyagoo shaaciyay in loo haysto 13-eedeymood oo la xiriira ku tumashada xuquuqda aadanaha waddankiisa.

Hoggaamiyihii mucaaradka ee la tartamayay madaxweynaha Sudan, Cumar Al-bashiir oo lagu magacaabo, Fadl el-Sayed Shuiab ayay sheegeen guddiga doorashooyinku inuu helay codad gaaraya 79,665 oo u dhigma 1.43%.

Goob-joogayaashii ururka Midowga Afrika ee doorashada kor kala soconayay ayaa sheegay in doorashooyinku ay si nabad ah ku dhaceen, inkastoo ay ku dareen hadalkooda inaysan u soo bixin doorashada dadkii la filayay inay ka qayb-galaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka Sudan Asam oo warbaahinta kula hadlayay Khatuum ayaa sheegay in 46.4% ay shacabka Suudaan u soo baxeen doorashada; ayna sidoo kale doorteen golaha baarlamaanka guud ee Suudaan iyo kuwa gobollada.

Qaar kamid ah dowladaha Carabta ee Khaliijka ayaa soo dhaweeyey doorashada madaxweyne Al-bashiir oo muddo badan soo xukumayay dalka Suudaan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com