Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Booqday Xarumaha Hay\’adaha UNICEF IYO UNSOM

Isniin, Abriil 27, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-4-2015 booqday xafiisyada Hay’adaha UNICEF iyo UNSOM ee magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

Ugu horeyn Madaxweyne Gaas ayaa xafiiska hay’adda UNICEF ku booqday maamulka iyo howlwadeenada hay’adda , isagoona u muujiyey dareenka uu ka qabo qaraxii dhowaan lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaalaha hay’addaasi.

Madaxweynaha ayaa dhammaan madaxda iyo howlwadeenada hay’addaasi u sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay ka go’antahay adkeynta ammaankooda , haatana meel fiican ay marayso baaritaanka dawladdu ayku hayso weererkaii argagaxisnimo ee ka dhacay Garoowe.

Mrs. Mariana Hattinge  oo ah wakiilka Hay’adda UNICEF ee Puntland ayaa cadaysay inay sii wadayaan howlaha muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabka reer Puntland , iyadoona balan qaaday inay sii laba jibaarayaan howlahaasi, wax saameyn ahna uusan ku yeelan doonin falkii foosha xumaa ee shaqaalahoodu lagu beegsaday .

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale booqday xarunta hay’adda UNSOM, waxaana uu halkaasi kula kulmay Madaxa hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi iyo sidookale  howlwadeenada hay’addaasi si lamid ah ayuuna ugu cadeeyey in adkeynta amaankoodu dawladdu xil gaar ah iska saarayso.

Wakiilka hay’adda UNSOM ee Puntland Omar Abuudi ayaa Madaxweynaha ugamahadceliyey booqashada uu ugu yimi , waxaana uu balan qaaday in shaqooyinka ay u hayaan shacabka reer Puntland sii wadi doonaan islamar’ahaantaana loo hakanayn fal argagixisnimo.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com