Ururka ISIL oo Fariisamo cusub ka samaystay Yemen

Talaado, Abriil 28, 2015 (Daljir) — Xoogag ka tirsan kooxda Daacish ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq ka dagaalama ayaa markii ugu horreysay lagu arkay dalka Yemen, iyagoo sheegay inay la dagaalamayaan kooxaha Shiicada ah ee ka dagaalamaya dalka Yemen.

Kooxaha Xuuthiyiinta ah ee dalka Yemen ayaa haatan horumar ka sameeyay dagaallada ay ka wadaan dalka Yemen oo ay kaga soo horjeedaan dowladda Itaalka daran ee Yemen, inkastoo ay duqeymo cirka ah ku socdaan.

Ururka Daacish oo soo dhigay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin muuqaal filim ah ayaa sarkaal ka tirsan ISIS oo ka hadlay wuxuu ku dhawaaqay inay dalka Yemen u yimaadeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xuuthiyiinta.

Sidoo kale, kooxda Daacish ayaa waxay digniin adag u jeedisay Xuuthiyiinta ka dagaalama dalka Yemen, iyadoo ciidamadeedan ay shalay dhoola-tus ku sameeyeen gudaha dalka Yemen.

Dagaalyahannada ISIL ee soo gaaray dalka Yemen ayaa tiradooda lagu sheegay inay yihiin dhowr kun, balse ciidamada dhoolla-tuska lagu arkayay ayaa ahaa tobaneeyo qof oo keliya.

Ma jirto illaa hadda mas\’uuliyiin ka hadlay ciidamada Daacish ee waddanka Yemen lagu soo bandhigay dalka Yemen, iyadoo waddamo uu Mareykanka iyo Sucuudi ka mid yihiin ay dadaal ugu jiraan in la burburiyo xoogagga Xuuthiyiinta.

Ugu dambeyn, dalka Iiraan ayaa horay uga digay fara-gelin iyo colaad ka dhan ah kooxaha Shiicada ah ee ka dagaalama dalka Yemen, iyadoo Iiraan lagu eedeyay inay taageero kala duwan u fidiso kooxaha shiicadaha ah ee ka dagaalanta Yemen.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com