Diyaarado duqeeyey deegaano kamid ah Gedo

HomeWararka

Diyaarado duqeeyey deegaano kamid ah Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya diyaarado dagaal inay saakay waaberigii duqayn ka gaysteen deegaano hoosyimaada magalaada Baladxaawo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS oo gaaray Purkina Faso
Khayre oo Dhuusamareeb kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya diyaarado dagaal inay saakay waaberigii duqayn ka gaysteen deegaano hoosyimaada magalaada Baladxaawo.

Sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaad, diayaaradaha ayaa duqeeyey tuulooyinka Qabar-sheeq iyo Bur-sagaar oo katirsan Baladxaawo, waxaana uu intaasi ku daray diyaaradaha oo laga leeyahay dalka Kenya inay beegsadeen xubno katirsan ururka Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay sadex gaari in looga gubay duqaynta Al-shabaab, sidoo kalena ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kadhashay balse gadaal ay ka sheegi doonaan inta ay la egtahay.

Degmada Beledxaawo ayaa shalay waxaa weerar ku qaaday ururka Al-shabaab oo beegsaday saldhigyo ciidmaada Jubalnd iyo militariga dowladda faderaalka ay ku leeyihiin.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: