Dhagayso Warbixin: Puntland oo biri Boossaaso kusoo dhawaynaysa Kuxiggeenka Danjiraha QM ee Soomaaliya Mr Peter de Clercq

Boossaaso, August, 03, 2015 – Puntland oo biri Boossaaso kusoo dhawaynaysa Kuxiggeenka Danjiraha QM ee Soomaaliya Mr Peter de Clercq. Waxaana Boossaaso sii aaday wasiirka arrimaha gudaha, dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga dawladda Puntland Axmed Karaash.

Axmed Cilmi Karaash oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay safarkiisu inuu ku saabsan yahay qaabilaada wafdi uu hogaaminayo ku xigeenka Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada madoobay uqaabilsan Arimaha Soomaliya ahna Isuduwaha Gargaarka Bani aadanimo Peter de Clerc, kaasoo maalinta berito ah kusoo wajahan magaalada Bosaso.

Wasiirka arrrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegay safarkiisa inuu qayb ka yahay dhismaha golaha deeganka dagmada Boosaaso, wuxuuna odayaasha ku booriyay inay dadajiyaan xulista xubnaha golaha deeganka,

 

Madaxwenaha puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay in sanadkii u dambeeyay ay dawladdiisu hirgalisay in ku dhow labaatan gole deegan ah oo cusub.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com