(Dhagayso) Siyaasi Cabdiwali Maxamuud Guray oo sheegay in DF ay ku fashilantay in dalka ay doorasho ka samayso 2016

London, 03, August, 2015 – Siyaasi Cabdwali Maxamuud Guray oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo wax-ka qora arrimaha Soomaaliya ayaa DF ku eedeeyay in ku fashilantay siyaasadeeda la xiriirta in doorasho ay Soomaaliya ay ka dhacdo 2016.

Md. C/wali Maxamuud Guray waxaa uu bogaadiyay go\’aanka xafiiska QM ee Soomaaliya, waxaana uu go\’aankaas ku tilmaamay mid caqabad ku ah rabitaanka madaxda DF ee la xiriirta in ay kordhiyaan waqtiga DF, taasi oo aan sifo sharci ah ahayn. Mr C/wali isagoo hadalkiisa siiwata waxaa yiri \”Goleyaashii Dawladdu way isku milmeen, marka la eego go\’aanka beesha caalamkuna suurto-gal ma\’ahan in dawladdu ku darsato waqtigeeda, macquul-na maahan\”.

Siyaasi C/wali Maxamuud Guray waxaa uu xusay in Beesha Caalamku ay danaynayso in door fiican oo shariif ah laga siiyo arrimaha masiiri ah ee go\’aamada Qaran maamullada dalka Soomaaliya ka jira, tillaabadaas ayuu ku tilmaamay midda xilligaan beesha caalamku ay riixayaan.

Dhinca kale –  Waxaa uu ka hadlay C/wali Maxamuud Guray baaritaano baaritaan xafiiska Baarista Iyo wax-isdabamarinta ee UK (Serious Fraud Office) dabagal iyo baaritaano ku hayo shirkad  lagu magacaabo SOMA OIL And GAS, taasi oo maantay war-saxaafadeed kasoo saartay Wasaaradda Badroolka Iyo Macdanta Soomaaliya.

Wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin ayuu ugu waramay khadka taleefanka ee UK.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com