Dawladaha Soomaaliya & Turkiga oo Heshiis kala saxiixday

Dawladaha Soomaaliya & Turkiga oo Heshiis kala saxiixday

Wasiirada Gaashaandhigga ee Türkiye iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca gaashaandhigga iyo dhaqaalaha, kaasi oo lagu sii horumarinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada wadddan iyo degenaanshiyaha gobolka.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Turkiga, Yasar Guler, wasiirka Gaashandhigga ee Turkiga ayaa magaalada Ankara ku soo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faah faahin kooban ka bixiyay heshiiska amni oo uu la galay dowladda Turkiga.

Heshiiskan milatari ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli uu muran ka dhaxeeyo Soomaliya iyo Itoobiya, Kaasi oo ka dhashay heshiis is-afgarad ah oo ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland billowgii bishii January ee sannadkan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com