Madaxweyne Xasan Sheekh oo Culimada kala hadlay la dagaalanka Alshabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Culimada kala hadlay la dagaalanka Alshabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo Alshabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna Soomaaliya .

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku ay ku sugan yihiin Alshabaab.

Dhinaca kale , culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Kulanka uu Madaxweyne Xasan sheikh uu la yeeshay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyed ayaa ku soo aadaya Xilli Xukuumadda Federaalka ay sheegtay in Culimada ay door muhiim ah ku lahaan doonaan wax ka bedelka dastuurka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com