Hay’adda Duulimaadyada Rayidka ee Soomaaliya oo beenisay eedeymo loo jeediyey

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Hay’adda Duulimaadyada Rayidka ee Soomaaliya oo beenisay eedeymo loo jeediyey

Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee Soomaaliya ayaa beenisay eedeymo uu u jeediyay ganacsade Ismaaciil Axmed oo sheegeyn in diyaarad ambalaas ah oo Hargey

Faysal Rooble: Qalbidhagax iyo Go’aanka Baarlamaanka iyo Waliba Gaas iyo P&O Ports (dhegayso)
Abukar Arman: Dhab-ka-Hadal Ammaandarrada Soomaaliya
MADASHA DALJIR | Madal kulmisay dawladda, mucaaradka & xisbiyada siyaasadda

Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee Soomaaliya ayaa beenisay eedeymo uu u jeediyay ganacsade Ismaaciil Axmed oo sheegeyn in diyaarad ambalaas ah oo Hargeysa ka qaadi lahayd walaalkii oo xaalad caafimaad darro oo halis ah ay la soo deristay in Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee Soomaaliya ay hawada ka celisay.

Hay’addu waxay sheegtay in aanay jirin wax diyaarad gargaar degdeg ah oo loo diiday inay soo gasho hawada Soomaaliya.

Ganacsade Ismaaciil Axmed ayaa sheegey in walaalkii oo uu madaxa dhiig kaga furmay diyaaraddaas looga qaadi lahaa Hargeysa iyadoo Addis Ababa loogu samayn lahaa qalliin degdeg ah, isagoo intaas ku daray in Hay’adda Duulimaadyada Rayidka ah ee Soomaaliya ay si bareer ah u diidday diyaaraddaas gargaarka degdegga ah lagu fidin lahaa ee ku wajahnayd Hargeysa, taasoo uu sheegey in markii danbe ay ku degtay gegida duulimaadyada ee magaalada JIgjiga, halkaas oo dhibbanihii loogu geeyey.

Tan iyo wixii ka danbeeyey markii uu hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la galay Itoobiya isfaham loogu gogol xaarayay damaca badda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya ayaa ay dowladda Soomaaliyana diyaaradaha ka imanaya Itoobiya ee ku soo wajahan Somaliland ay u diidday oggolaanshaha inay hawada Soomaaliya soo galaan, diidmooyinka noocaas ah ee isdabajoogga ahaana qaarkood waxaba lagu baajiyay wefti Itoobiyaan ahaa oo diyaarad gaar ah ay u soo sidday Hargeysa.

Dhacdadan ayaa noqonaysa markii koowaad ee lagu eedeeyo Hay’adda Duulimaadyada Rayidka ah ee Soomaaliya in ay diidday diyaarad uu duulimaadkeedu ka madax bannaan yahay arrimo siyaasadeed.

Diiwaanka wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: