Danjirihii Dowladda Mareykanka ee Somaaliya oo is Casilay

Danjirihii dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz,ayaa iska casilay xilkii uu u hayay dalkiisa Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya.

Danjire Stephen Schwartz,is casilaaddiisa waxaa xaqiijiyay danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo sheegay in is casilaadda Schwartz in ay soo gaartay labo maalmood ka hor.

Is casilaadda Stephen ayaa uu sheegay Axmed Ciise Axmed in ay tahay sabab isaga u gaar ah oo aanay jirin culeys kale oo jiray.

Schwartz waxaa uu xilka iska casilay September 29,2017 iyada oo aan la bixin faah faahinta sababta uu xilkaas uga tagay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com