Kooxo Burcad Badeed ah oo laga Bad Badiyeey Markab Ganacsi (Sawiro)

HomeWararka

Kooxo Burcad Badeed ah oo laga Bad Badiyeey Markab Ganacsi (Sawiro)

Ciidamada Badda dalka Hindiya ayaa shalay oo jimco ahayd Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah ka badbaadiyay Markab ay Ganacsi oo ay leedahay dowladd

Saraakil AMISOM ka tirsan oo booqday Xarunta dadka danyarta ah lagu daaweeyo
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Nuxurka war-murtiyeedka Wada hadalkii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi

Ciidamada Badda dalka Hindiya ayaa shalay oo jimco ahayd Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah ka badbaadiyay Markab ay Ganacsi oo ay leedahay dowladda Hindiya kaas oo ka soo baxay Dalka Romania kuna sii jeeday Dalka Sucuudiga.

Markabka Ganacsi ayaa codsi u diray Markabka Xeebaha Cadmeed jooga ee Hindiya leedahay,kaas oo durba ku soo baxay Markabka la weeraray.

Kooxda weerarka geystay ayaa lagu sheegay in ay isku dayeen in ay qafaashaan Markabka iyo12 qof oo shaqaalaha Markabka ah,waxaana ay mar ku sigteen in ay gudaha u galaan Markabka ilaa uu Markabka dagaalka ee Hindiya ay rasaas is weydaarsadeen sidaasna uga tageen Markabkii Ganacsi.

Marcos oo ah Taliyaha Ciidamada Hindiya ee howlgalka badbaadada ah sameeyay ayaa sheegay in Burcad Badeedda ay kala hareen Qoryo AK47,ah,Raashin,Jaakaado,Caagag ay ku wateen shidaal iyo agab kale oo ay ku tuureen gudaha Markabka ay doonayeen in ay la wareegaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: