Somaali lagu eedeyey Dilka nin Kale oo Somaali ah oo Lagu Maxkamadeyey Dalka Canadda

Somaali lagu eedeyey Dilka nin Kale oo Somaali ah oo Lagu Maxkamadeyey Dalka Canadda

C/risaaq Yabarow oo 37-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Toronto ee Gobalka Ontario ee dalkaasi, kadib, markii lagu soo oogay inuu dilay Marxuum la oran jirey C/naasir Xuseen oo 42-jir ahaa.

Boliska waxay Eedeysanaha ku soo oogeen Dembiga Dilka Heerka 2-aad, isagoo loo haysto inuu dilay Marxuumkaasi oo maydkiisa Arbacadii hore laga helay dhismo ku yaalla Degmadda Rekisdal oo ka tirsan magaalladda Toronto ee dalkaasi.

Qoaal-dacwadeed ay Baarayaasha diyaariyeen ayey ku sheegeen inuu dilkaasi ku salaysnaa muran u dhexeeyey Gacan-ku-dhiiglaha iyo Marxuumka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dembi-baarayaasha faahfaahin kama bixinin qaabka loo dilay Marxumka, iyadoo maydka Marxuumka haatan ay baaritaan ku hayaan Dhakhaatiirta ku takhasustay baaritaanka sababaha ay u geeriyoodeen dadka la dilay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com