Ciidanka AMISOM oo La Wareegey Ammaanka Doorashada Hirshabeelle

Ciidanka AMISOM oo La Wareegey Ammaanka Doorashada Hirshabeelle

Cutubyo katirsan ciidanka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa la wareegey xarunta ay ka dhacayso doorashada Maamulka Hirshabelle ee Magaalada Jowhar sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Mas’uuliyiin katirsan gudiga doorashada madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sheegay maanta oo talaado ah si rasmi ah ammaanka hoolka in loogu wareejiyay ciidamada AMISOM.

12-ka bishaan 9aad ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Hirshabeelle, waxaana ka dhiman oo kaliya muddo todobaad ah, iyadoo xubnaha Musharaxiinta ay gaarayaan Magaalada Jowhar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com