
Khamiis, September 10, 2015 (Daljir) — Golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa loo mudeeyey inay u codeeyaan qaraar ogolaanaya in calanka Falastiiniyiinta lakorgeeyo ama laga taago xarunta guud ee Qaramada Midoobey ee magaalada New York City ee carriga Maraykanka.
Qaraarkaan oo maanta oo khamiis ah kadib ay goalah guud ee Qaramada Midoobey u codayn doonaan ayaa waxa uu ku baaqayaa in dalalka aan xubnaha ka ahayn golaha ee loo yaqaan non-member observer states calamadooda laga taago xarunta guud ee Jimciyadda Quruumaha Kadhexaysa Kuleedahay New York.
Dhanka kalena Qaraarkaan ayaa lafilayaa inay goluhu ugu codeeyaan “Haa” maadaama ay reer Falastiin taageero baahsan ka heli doonaan dalalka Kujira golaha qaybtiisa “Non-Aligned Movement” oo doonaya in calamadooda laga taago xarunta guud iyo dhammaan xafiisyada Qaramada Midoobey.
Kahor codaynta danjiraha Falastiin ee Qaramada Midooeby Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa waxa uu taabtay muhiimadda uu Qaraarkaani leeyahay, wuxuuna sheegay in hadii lameelmariyo ay shacabka Falastiin u arki doonaan in beesha caalamku ay weli taageersan tahay dowladnimada iyo Jiritaanka Falastiin.
By:Abdirashid
FAALLOOYIN & FALCELIN