Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran oo ka Hadlay wada-hadalada dowladdiisa iyo Maraykanka

Khamiis, September 10, 2015 (Daljir) —Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Ayatullah Khameinei ayaa shaaca ka qaaday in wixii wadahadal ah ee dhexmara dalalka Maraykanka iyo Iran ay ku saabsanaan doonaan kaliya dhanka hubka Nuclear-ka.

Warbixin kasoo baxday xafiiska Ayatullah Khameinei ayaa waxaa lagu sheegay in arrimaha Nuclearka oo kaliya ay ka ogolaadeen Maraykanka inay ka wada xaajoodaan laakiin wixii aan ka ahayn arrimahaasi aysan labada dhinac ka wada fariisan doonin.

Madaxweynaha dalka Iran Xasan Rooxaani oo ah nin qunyar socod ah marka la barbardhigo Ayatullah Khameinei ayaa talaadadii sheegay in Tehran ay diyaar u tahay in ay Mareykanka kala hadasho sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Syria.

Dowladaha Iraan iyo Maraykanka oo ay weheliyaan Shan dal oo kale ayaa bishii July ee sanadkaan heshiis dhanka Nuclear-ka ah gaarey, waxaana arrintaan walaac ka muujiyey dalka Israa’iil oo siweyn uga soo horjeeda horumarka dalalka ay cadowga yihiin.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com