
Khamiis, September 10, 2015 (Daljir) — Israel ayaa dib ufurtay safaaradii ay ku lahayd magaalada Qaahira kadib muda 4 sano ah oo ay xidhnayd.Safaarada ayaa albaabada loo laabay sanadkii 2012-kii kadib markii muwaadiniin ka gadoodsan askar Masaari ah oo xuduudka lagu laayey ay gudaha u galeen safaarada, taasoo sababtay in shaqaalihii safaarada loo daadgureeyo Israel.
Masar iyo Israel ayaa heshiis nabadeed kala saxiixday sanadkii 1979-kii, wuxuuna xidhiidhkoodu sii xoogaystay kadib markii militariga dalku uu afgambiyay madaxweynihii shacabku doortay ee Maxamed Morsi.
FAALLOOYIN & FALCELIN