Cabdixamiid sheikh Cabdisalaan oo loo doortay gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Puntland

Garoowe, January 4, 2014 – Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Puntland ayaa loo doortay Cabdixamiid sheikh Cabdisalaan Ciise oo helay 40 cod wareegii koowaad ee doorashada, Xildhibaanka ayaa ka guulaystay Salaad xareed Cali.

Docda kale gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Puntland ayaa isna loo doortay Xuseen Yaasiin Xaaji diiriye oo horay u hayey xilkaas.

Cabdixamiid sheikh Cabdisalaan ayaa ka dhigaya xilka gudoomiye ku xigeenka mid is bedel lagu sameeyey, waxaana uu meesha kala baxay Salaad Xareed Cali oo xilkaas hayey 15 sano oo la soo dhaafay.

Gudoomiyaha baarlamanka Puntland ayaa isna la doortay goor sii horaysay oo maanta ah, markii Siciid Xasan shire oo helay 40 cod isla markaasna ka guulaystay Cabdirashiid Maxamed Xirsi gudoomiyihii hore ee baarlamanka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com