Baarlamanka Puntland oo gudoomiye rasmi ah u doortay Siciid Xasan shire afarta sano ee soo socda

Garoowe, January 4, 2014 – Wareegii saddexaad ee tartanka doorashada gudoomiyaha baarlamanka Puntland ayaa dhamaaday, guddiga ayaa shaaciyey natiijada ka soo baxday tartankii gudoomiyaha baarlamanka ee maanta socotay.

Siciid Xasan shire ayaa loo doortay gudoomiyaha baarlamanka Puntland isagoo helay 40 cod, halka Cabdirashiid Maxamed xirsi uu isna helay 26 cod.

Labbada musharax ayaa ku kala baxay codka hal-dheerida ah, Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Siciid xasan shire yahay gudoomiyaha baarlamanka Puntland afarta sano ee soo socda.

Siciid Xasan shire wuxuu ka soo jeedaa gobollada Sanaag iyo Hayland, wuxuu ahaa wasiirkii xanaanada xoolaha Puntland dowladda hadda wakhtigeedu dhamaanayo ee uu horkoco Dr. Faroole

Doorashadii gudoomiye ku xigeenada baarlamanka Puntland ayaa iyadana hadda bilaabmaysa, waxaana la filayaa in galabta la soo afmeero doorashada guud ee baarlamanka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com