Baarlamaanka Puntland oo maanta dooranaya Gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeeno (Dhegayso)

Garoowe, Jan 4-2014, Xildhibaanada Baarlamaanka Dawlada Puntland oo dhowaan loo dhaariyey xilkooda ayaa maanta oo sabti ah dooranaya Gudoomiyaha Baarlamaanka & kuxigeenadiisa kuwaasoo Baarlamaanka hogaamin doona 5 sano ee soo socota.
?
Doorashada maanta loo balansan yahay ayaa bilow u ah hawlaha horyaala Baarlamaanka cusub ee Puntland.
Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo goor dhoweyd la hadlay ?Radio Daljir ayaa sheegay in Barlamaanku maanta kala saari doonaan in kabadan 10 musharax oo u taagan xilalka Gudoomiyaha & Kuxigeenada baarlamaanka Puntland.
?
“Baarlamaanku maanta waxay dooranayaan gudoomiye iyo kuxigeenadiisa, hada waxaa baarlamaanka hogaaminaya gudoomiye KMG ah,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac.
?
Baarlamaanka Puntland oo la dhaariyey 1 dii bishan January kana kooban 66 Xildhibaan ayaa xambaarsan masuuliyada Malaayiin qof oo reer Puntland, waxaana la sugayaa cida ay ku aaminaan mansiirka umada badan oo ee iyagu wakiilka u yihiin.
?
khadar Cawl Ismaaciil
Radio Daljir
Garoowe
?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com