Baydhabo oo lagu taageeray baaqii madaxweynaha ee dhismaha maamul saddex gobol ah (dhegeyso)

Baydhabo, January 5, 2014 – Qaybaha bulshada ee gobollada Bay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa taageeray hadal dhowaan ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan sheikh ayaa ku baaqay in shirka Baydhabo lagu dhiso maamul ka kooban saddex gobol, isagoo xusay inay muhiim tahay ?in laga tanaasulo hamiga ah in lix gobol maamul laga yagleelo.

Kulanka lagu taageeray hadalka madaxweynaha waxaa ka qayb-galay odoyaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka Baay, oo tilmaamay inay soo dhowaynaan isla markaasna ay muhiim tahay in dhismaha maamulka lagu saleeyo saddexda gobol

Xildhibaan Shariif Xasan sheikh Aadan oo isna la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa sheegay in laga tanaasulay qorshihii ahaa in lix gobol maamul loo sameeyo, shariifka ayaa tilmaamay in fikirkaas laga noqday.

Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee gobollada Baay iyo bakool ayaa ku kala aragti duwanaa fikrada ah in maamulka laga dhiso saddex gobol iyo in laga yagleelo lix gobol, Shariif Xasan ayaa mudo u ololaynayey in shirka la baajiyo ama laga noqdo fikrada ah dhismaha maamul lix gobol ka kooban

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: – Shariif Xasan sheikh Aadan oo u waramay radio Mustaqbal oo aan soo xigannay

?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com