HomeUncategorized

RW Cabdiweli sheikh oo u rajeeyey Puntland inay ka dhacdo doorashado madaxtinimo oo lagu qanco

Garoowe, January 5, 2014 - Ra?isal wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli sheikh Axmed Maxamed ayaa maanta hanbalyo u diray gudoomiyaha baarlamanka Puntland Siciid Xasan shire oo ku soo baxay.

SAWIRRO-Shir dib loogu eegayo waxbarashada Puntland oo Garoowe ka furmay.
QM oo dilkii shaqaalaheeda loogu gaystay deegaanka Matabaan cambaaraysay,hakisayna howlihii gargaar ay ka waday degmada Matabaan
Puntland oo ku baaqday in ay gogol nabadeed u fidinayso kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho. Dhegaysi …

Garoowe, January 5, 2014 – Ra?isal wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli sheikh Axmed Maxamed ?ayaa maanta hanbalyo u diray gudoomiyaha baarlamanka Puntland Siciid Xasan shire oo ku soo baxay doorashadii shalay ka dhacday Garoowe.

Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed wuxuu sheegay inuu si dhow ula socday doorashada Puntland, gaar ahaan tii shalay lagu doortay gudoonka baarlamanka, wuxuu ku tilmaamay inay lahayd hanaan suuban.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra?isal wasaaraha ayaa lagu sheegay in doorashadii shalay ee Puntland ay u dhacday sifo leh horumarka dhinaca siyaasada ah ee ay Soomaaliya u baahan tahay.

Ra?isal wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa ugu dambayntii u rajeeyey Puntland inay ka dhacdo doorasho xalaal ah arbacada, taas oo u diyaarsan hab dimuqraadi ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: