HomeUncategorized

SAWIRRO-Shir dib loogu eegayo waxbarashada Puntland oo Garoowe ka furmay.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta 29 November, 2016 waxa uu si rasmi ah u dah-furay shirweynihii saddexaad ee waxbarashada Puntland.

Gargaar loogu tala-galay dadka fatahaada ku baragkacay oo la gaarsiiyey magaalada Jowhar
Maraakiibta shisheeye ee illaalada ka haya badda oo bilaabay ugaarsiga duurjoogta Soomaaliya.
Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ka Caawinaysa Abaaraha ku Habsaday

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha
Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta 29 November, 2016 waxa uu si rasmi ah u dah-furay shirweynihii saddexaad ee waxbarashada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa shirka kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda, masuuliyiin ka mid ah hay’adaha Dawladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Shirweynaha saddexaad ee waxbarashada Puntland waxaa sidoo kale ka qaybn galay masuuliyiin ka socotay maamulada dalka, safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo, masuul ka mid ah bangiga adduunka, saraakiil ka tirsan hay’adaha Qaramada midoobey iyo xubno kale oo muhiim ah.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha
Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka wuxuuna wasaaradda Waxbarashada ku ammaanay sida ay u gudanayso waajibaadka ka saaran horumarinta iyo tayaynta waxbarashada Puntland.

Ugu danbayn , Madaxweyne ku xigeenka ayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha calamka ku adkeeyey inay sii xoojiyaan taageerada ay Dawladda Puntland ka siiyaan tayaynta dhinaca waxbarashada, iyadoo isbeddel baaxad leh laga dareemayo waxbarashada Puntland.


–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_1869 img_1871 img_1874 img_1875 img_1882 img_1889 img_1890 img_1891 img_1893 img_1894 img_1895 img_1898 img_1900 img_1902 img_1903 img_1904 img_1908 img_1910 img_1914 img_1918 img_1919 img_1921 img_1927 img_1931 img_1934 img_1935 img_1937 img_1939 img_1940 img_1941 img_1943 img_1944 img_1948 img_1959 img_1971 img_1972 img_1973 img_1974 img_1977 img_1978 img_2000 img_2001 img_2003 img_2013 img_2014 img_2017 img_2019 img_2020 img_2025 img_2027 img_2029 img_2031 img_2032 img_2034 img_2037 img_2040 img_2041 img_2047 img_2053 img_2055 img_2059 img_2060 img_2063 img_2080 img_2090 img_2093 img_2096 img_2115 img_2120 img_2122 img_2123 img_2126 img_2136 img_2137 img_2147 img_2154 img_2155 img_2156 img_2159 img_2164 img_2169 img_2177

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: